Waa maxay salaad?
Salaaddu waa tiirka 2-aad ee tiirarka islaamka, sida ku sugan xadiithka uu weriyay Cabdullaahi Ibnu Cumar Alle haka raalli ahaadee ee ahaa:
(( عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: سمعت رسول الله ﷺ يقول: “بُني الإسلام على خمسْ: شهادة أن لا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله، وإقام الصلاة، وإيتاء الزكاة، وصوم رمضان، وحج البيت من استطاع إليه سبيلاً”)).
Cabdullaahi wuxuu leeyahay waxaan maqlay rasuulka Alle oo oranaya: ((Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir, kan koobaad waa in la qiro in aanu jirin Alle xaq lagu caabudo oo aan Allaah ahayn, iyo in Muxammad yahay rasuulkii Alle, tiirka labaad waa oogidda Salaadda, tiirka seddexaad waa bixinta Zakada, tiirka afaraad waa Soomidda bisha Ramadaan, tiirka shanaadna waa in la xajiyo baytka Alle waxaana xajjinaya qofkii awooda)).
Iyo xadiithkii kale ee ahaa:
((رأس الأمر الإسلام، وعموده الصلاة، وذروة سنامه الجهاد في سبيل الله ))
((Arrinka madaxiisu waa islaam, tiirkiisuna waa salaadda, halka u sarreysana waa ku jihaadidda jidka Alle))
Salaaddu waxay waajib ku tahay qof kasta oo muslim ah lab iyo dheddig wuxuu yahayba, sidoo kalena qaangaar ah lehna caqli, waxaana la waajibiyay salaadda sanadkii 2-aad ee hijriyada.